Xikmadaha Dadkii Wanaagsanaa
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته؛
Hordhac:
Kuwani waa 20 ka mid ah Xikmadihii laga soo guuriyey dadkii wanaagsanaa ee inaga horeeyey. Haddii ay noqdaan Saxaabo, Taabiciin iyo kuwii ka dambeeyeyba.
Xikmadahan waxa aan ka soo xigtay kitaab magiciisu yahay: (القطوف الزكية من أقوال السلف خير البرية ) waxaana qoray: (Maxamed Xasan Nuuru-Diin Ismaaciil).
Waxa uu kitaabku koobsaday (1089) Xikmadood. Waxa aad kitaabka kala soo degi kartaa Linkiga aan halka hoose ku reebay.
Akhris wacan. . .
1. قال محمد بن المبارك - رحمه الله -: رأيت سعيد بن عبد العزيز إذا فاتته الصلاة في الجماعة أخذ بلحيته وبكى.
1. Maxamed ibnul-Mubaarak wuxuu yiri: Waxaan arkay Saciid bin Cabdulcaziiz markuu ka maqnaado salaadda jamaacada inuu gadhkiisa qabsado oo ooyo.
..............................................................................
2. كان - إبراهيم بن ميمون المروزي - إذا رفع المطرقة فسمع النداء لم يردّها.
2. Wuxuu ahaa Ibraahim ibn Maymuun al-Marwazi markuu Madaraqa (dubbe) kor u qaado oo uu maqlo aadaanka, dib uguma soo celin jirin. Waxa laga wadaa in uu si dhakhso ah salaada u tegi jiray.
..............................................................................
3. عن سعيد بن المسيب قال: ما فاتتني التكبيرة الأولى منذ خمسين سنة وما نظرت في قفا رجل في الصلاة منذ خمسين سنة.
3. Saciid ibn al-Musayyib wuxuu yiri: Kama maqnaanin takbiirta koowaad muddo konton sano ah, mana arkin dhabarka nin salaadda ku jira muddo konton sano ah.
..............................................................................
4. قال إبراهيم النخعي: كفى علماً على النّفاق أن يكون الرّجل جار المسجد ، لا يرى فيه.
4. Ibraahim al-Nakha’i wuxuu yiri: Calaamad munaafaqnimo waxa kaaga filan in uu ninku deris la yahay masjidka, haddana aan lagu arkin salaadda.
..............................................................................
5. يقول مالك بن دينار: كفى بالمرء شرا أن لا يكون صالحا وهو يقع في الصالحين.
5. Maalik ibn Dinaa’r wuxuu yiri: Qofka waxaa shar ugu filan inuusan isagu wanaagsaneyn, haddana xumaan ku sheego dadka wanaagsan.
..............................................................................
6. قال الشافعي - رحمه الله -: إنك لا تقدر أن ترضي الناس كلهم فاصلح ما بينك وبين الله ثم لا تبال بالناس.
6. Imaam al-Shaafici wuxuu yiri: Adigu ma awoodid inaad raalli geliso dadka oo dhan, markaa hagaaji xiriirka Ilaahay kaala dhaxeeya, kadibna dadka waxba ha daneynin.
..............................................................................
7. قال مكحول الشامي: رأيتُ رجلاً يَبكي في صلاته، فاتّهمتُه بالرياء فحُرِمتُ البكاءَ سنة كاملة.
7. Makxuul al-Shaami wuxuu yiri: Waxaan arkay nin ku ooyaya salaaddiisa dhexdeeda markaas ayaan ku tuhmay inuu muujinayo (riyaa’), arinkaas ayaana iga hor istaagay oohinta muddo sannad dhan ah.
..............................................................................
8. قال ابن رجب الحنبلي - رحمه الله -: ( كان السلف لقلة ذنوبهم يَعدُّونها. قال رياح القيسي : لي نيف وأربعون ذنبًا قد استغفرت لكل ذنب مائة ألف مرة).
8. Ibn Rajab al-Xanbali wuxuu yiri: Salafku waxay ahaayeen dambigooga oo yar owgii kuwa tiriya. Riyaax al-Qaysi wuxuu yiri: Waxaa iga dhacey dhawr iyo afartan dambi, mid walbana waxaan ka towbad keenay boqol kun oo jeer.
..............................................................................
9. قال الإمام البخاري - رحمه الله -: ما اغتبتُ أحدا منذ علمتُ أن الغيبة تضرّ أهلَها.
9. Imaam al-Bukhaari wuxuu yiri: Ma Xamanin qof tan iyo markii aan ogaaday in xantu ay dembi tahay.
..............................................................................
10. كان سعيد بن المسيّب دائم الإقبال على الصّلاة، حتّى قيل فيه (لو قيل له: إنّ جهنم لتسعر لك وحدك) ما قدر على أن يزيد في عمله شيئا.
10. Saciid ibn al-Musayyib wuxuu ahaa mid si joogto ah salaadda ugu mashquula, ilaa la yiraahdo: "Haddii lagu yiraahdo, Jahannamo adiga keliya ayaa lagugu shidayaa," muu awoodeyn in uu wax ku kordhiyo camalkiisa wanaagsan. Waxa laga wadaa in uu wakhtigiisa oo dhan camal wanaagsan ku buuxiyey.
..............................................................................
11. قال سفيان بن عيينة: اسلكوا سبيل الحق ولا تستوحشوا من قلة أهله.
11. Sufyaan ibn Cuyaynah wuxuu yiri: Ku socda jidka xaqa, hana ka cabsoonina yarida dadka raacsan.
..............................................................................
12. سُئِلَ حُذَيفةُ بنُ اليمانِ - رضي الله عنه -: مَتى يَعلَمُ المَرءُ أنَّهُ فُتِنَ؟ فقالَ: "إنْ كانَ ما يَراهُ بِالأمسِ حَرامًا، أصبَحَ اليَومَ حَلالًا، فَليَعلَمْ أنَّهُ فُتِنَ".
12. Xudayfah ibn al-Yamaan (rc) ayaa la weydiiyey: Goorma ayuu qofku ogaadaa in la fitneeyey? Wuxuu ku jawaabay: Haddii wixii shalay xaaraan ahaa uu maanta xalaal u arko, waa inuu ogaadaa in la fitneeyey.
..............................................................................
13. قال يحيى بن معاذ الرازي: لا تطلب العلم رياء, ولا تتركه حياء.
13. Yaxyaa ibn Mucaadh al-Raazi wuxuu yiri: Ha baran cilmiga adigoo dadka tusaya (riyaa’), hana ka tagin adigoo xishoonaya.
..............................................................................
14. قال ابن السّمّاك - رحمه الله -: الدنيا كلها قليل ، والذي بقي منها قليل ، والذي لك من الباقي قليل ، ولم يبق من قليلك إلا قليل ، وقد أصبحت في دار العزاء ، وغدا تصير إلى دار الجزاء ، فاشتر نفسك لعلك تنجو.
14. Ibn al-Sammaak wuxuu yiri: Aduunka oo dhan waa yar yahay, inta aduunka ka hadhayna waa yar tahay, intaad ku leedahay hadhaaguna waa yar tahay (oo laga wado cimrigaaga oo dhan), inta kaaga hadhay cimrigaaguna way yar tahay, waxaadna joogtaa guri tijaabo, berri ayaad tegi doontaa guri abaal-marin, markaa naftaada iibso, bal inaad badbaaddo.
..............................................................................
15. قال إبراهيم بن أدهم: لو يعلم الملوك وأبناء الملوك ما نحن فيه من النعيم لجالدونا عليه بالسيوف.
15. Ibraahim ibn Adham wuxuu yiri: Haddii boqorrada iyo carruurtooda ay ogaadaan nimcada aan ku jirno, waxay nagula dagaallami lahaayeen seefaha.
..............................................................................
16. قال بكر بن عبد الله المزني: يا ابن آدم إذا أردت أن تعلم قدر ما أنعم الله عز وجل عليك فأغمض عينيك.
16. Bakr ibn Cabdullaah al-Muzani wuxuu yiri: Wiil Aadamow, haddii aad rabto inaad ogaato qadarka nicmada Ilaahay kugu mannaystay, indhahaaga xidh. Waxa laga wadaa in aad fahanto nimcada indhaha ee uu ilaahay ina siiyey.
..............................................................................
17. قال مالك بن دينار: ما تنعَّم المتنعمون بمثل ذكر الله عز وجل.
17. Maalik ibn Dinaa’r wuxuu yiri: Kuwa raaxaysanaya may helin raaxo lamid ah xuska Ilaahay.
..............................................................................
18. قال ابن القيم - رحمه الله -: أربعة تجلب الرزق: (قيام الليل ، وكثرة الاستغفار بالأسحار ، وتعاهد الصدقة ، والذكر أول النهار وآخره ).
18. Ibnul-Qayyim wuxuu yiri: Afar arrimood ayaa soo jiida rizqiga: (Qiyaamka habeenka, Istighfaarta badan, Sadaqo joogto ah, iyo xuska Ilaahay bilowga iyo dhammaadka maalinta).
..............................................................................
19. قال الفضيل بن عياض: ثلاث خصال تقسي القلب ( كثرة الأكل، وكثرة النوم، وكثرة الكلام ).
19. Al-Fudayl ibn Ciyaad wuxuu yiri: Saddex arrimood ayaa qalbiga adkeeya: (Cunista badan, Seexashada badan, iyo Hadalka badan).
..............................................................................
20. قال إبراهيم الخواص: دواء القلب خمسة أشياء: (قراءة القرآن بالتدبر، وخلاء البطن، وقيام الليل، والتضرع عند السحر، ومجالسة الصالحين).
20. Ibraahiim al-Khawwaas wuxuu yiri: Dawada qalbigu waa shan: (Akhriska Qur’aanka adigoo ku fikiraya, caloosha oo madhnaata, qiyaamka habeenka, baryada waqtiga suxuurta, iyo la joogista dadka wanaagsan).
(القطوف الزكية من أقوال السلف خير البرية ) Download
اللهم صل وسلم على نبينا محمد
والحمد لله رب العالمين
Comments
Post a Comment