KU SUGNAASHAHA DIINTA ISLAAMKA
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته؛
Maanta waxa aynu ka waramaynaa arin xanuun badan oo muruga badan;
Arin ku saabsan dad badan oo ka mid ahaa ehelka Masaajidka, laga yaabo in aynu ku arki jirnay safka koobaad, inala fadhiisan jirey goobaha ilaahay lagu xusaayo, soona xaadiri jirey xalqadaha Qur'aanka.
Laga yaabaa qaarkood in ay salaada ugu baaqi jireen dadka, qaar kalena qur'aankaba ay xafidsanaayeen.
Arin ku saabsan dad badan oo ka mid ahaa ehelka Masaajidka, laga yaabo in aynu ku arki jirnay safka koobaad, inala fadhiisan jirey goobaha ilaahay lagu xusaayo, soona xaadiri jirey xalqadaha Qur'aanka.
Laga yaabaa qaarkood in ay salaada ugu baaqi jireen dadka, qaar kalena qur'aankaba ay xafidsanaayeen.
Si deg deg ah ayuunbay marqudha isku badaleen, waxa qalbiyadooda galey xanuun, macsi ayey ku dhaceen, saaxiibo xun ayey raaceen, waxay noqdeen qaar kolba diinta faraha ka sii qaadaya ilaa ay ka tageen acmaashii fiicnayd ee ay sameyn jireen.
Midkood waxa uu maqlayaa eedaankii uu dadka ugu dhawaaqi jirey ka dibna uu ka dhibaatoonayaa, waxa uu maqlayaa qur'aankii uu xafidsanaa balse micno uma sameynayo, waxa uu soo garab marayaa masaajidkii uu ku tukan jirey markaasuu qalbigiisu cidhiidhi dareemayaa.
Maxaa ku dhacay !!!
..............................................................................
Laakiin nasiib darro; waxa uu diintiisii ku iibiyey aduunyo.
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِي آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ
[[ Rasuulow ummadaada uga qisoo warka ninkii reer Banii Israa'iil ahaa ee aan siinay xujooyinkeenna iyo daliilladeenna, oo bartay, kuna gaaloobay, iskana tuuray, ee uu shaydaanku ka adkaaday, oo ka mid noqday kuwa lumay oo halaagsamay; amarka Rabbigii oo uu khilaafay iyo shaydaankii uu adeecay sababteed ]].
وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَـٰكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الْأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ ۚ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
[[ Haddaan doonno inaan maqaamkiisa ku koryeelno aayadaha aan siinnay, iyo inaan waafajinno ku dhaqankeeda waanu yeeli lahayn, laakiinse isagaa adduunyada u iishay hawadiisana raacay, aakhirana ka doortay raaxadiisa iyo shahwadiisa, diidayna adeecidda Alle, amarkiisana khilaafay. Tilmaanta ninkaa waa sida eeyga oo kale, haddii aad cayrisid ama aad iska daysid labada marba wuu carrab laalaadinayaa, sidaa waxaa la mid ah ruuxa aayadaha Alle ka siibta, ee ku sii jira gaalnimadiisa, haddii aad ku dadaasho in aad diinta ugu yeerto iyo haddii aad iska daysaba waa isugu mid, -rasuulow- tilmaantaan waa tilmaanta qoonkii lunsanaa ka hor inta aysan hanuunka iyo risaalada u imaanin, ee u sheeg rasuulow wararka ummadihii hore, in aad u sheegto akhbaartaa waxaa ku sugan mucjiso wayn, waxaa dhici karta qoonkaaga in ay ku fekeraan waxa aad ula timid oo ay rumeeyaan ]].
..............................................................................
Qofku diintiisa uu ku dul sugnaan karaa wakhtiga barwaaqada iyo nimcada lagu jiro balse dhibkuba waxa uu ka taagan yahay marka ay musiibo iyo fitno la soo daristo!! Maku sugnaanayaa diintiisa?!!.
(Khabbaab ibn Al Aratti) wuxuu ahaa wiil dhalinyar ah oo da'adiisu tahay 18 sano, wuxuuna ka mid ahaa saxaabadii rasuulka (صلى الله عليه وسلم).
Waxay ahaayeen gaaladu qaar ka saara dharka uu xidhan yahay ka dibna dhimbiila dab ah oo ay shideen ayey dhabarka u saari jireen ilaa uu diirku ka dhacayo oo malaxda iyo dhiiga jidhkiisa ka yimanayaa uu bakhtiiyo dabkaas!.
Dhibkaas oo dhan waxa uu u soo gaadhayey kaliya in uu ilaahay rumeeyey!
Hadaba waxaad ogsoonaataa in jidka toosan aanad kaligaa ku aheyn balse lagaaga soo horeeyey oo xitaa anbiyada ilaahay oo ah kuwa dadka ugu fiican lagu dhibey jidka toosan iyo hanuunka ay dadka ugu yeedhayeen;
Labadaa qiso ayeynu ku koobsanaynaa ee ku saabsan ku sugnaashaha diinta iyo waxa ku dhacaya qofka diinta ka fogaada ee ka gaabiya.
..............................................................................
Asbaabta keeni karta in uu qofku diinta ka fogaado:
1. Balwadaha noocyadooda kala duwan
2. Saaxiibada xun xun
3. Dumarka !
4. Yididiilada iyo hamiga oo la dheeraysto
5. Macaasida oo fara badata lagana tawbad keeni waayo
6. Quraanka oo laga fogaado
7. Maalka iyo xoolaha oo la caabudo
8. Qofka oo naftiisa iyo hawadiisa raaca.
..............................................................................
Asbaabta ku sugnaashaha diinta:
1. Quraanka oo la xifdiyo, la akhriyo, laguna dhaqmo
2. Saaxiibo fiican oo la raaco
3. (Ducada) Ilaahay oo ku sugnaashaha diinta la weydiisto
4. Qisaska Anbiyada iyo Saxaabada oo la akhriyo ama la dhageysto
5. Cibaadada iyo camalka wanaagsan oo la joogteeyo
6. Dikrika iyo awraada oo la badiyo
7. Sabirka iyo salaada oo la kaalmaysto
8. Ilaahay oo looga mahadnaqo hanuunka uu ina siiyey.
..............................................................................
اللهم صل وسلم على نبينا محمد
والحمد لله رب العالمين
Comments
Post a Comment