FADLIGA DIKRIGA
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته؛
Halkaan waxaan idiin ku soo gudbin doonaa 5 ka mid ah aayadaha Qur'aanka oo ku saabsan Xuska ilaahay iyo faa'idada uu leeyahay:-.........................
1.
الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ
Wuxuu Alle diinta xaqa ku hanuuniyaa kuwa ay quluubtooda ku degtay tawxiidka Alle iyo xuskiisa kuna xasishay, war hooy, Alle adeeciddiisa, xuskiisa, iyo abaalmarintiisa ayay quluubtu ku xasishaa oo ay weheshataa.
..............................................................................
2.
فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ وَاشْكُرُوا لِي وَلَا تَكْفُرُونِ
Alle sarreeyee wuxuu mu'miniinta faray xuskiisa, wuxuuna ugu yaboohay abaalmarin midda ugu fadliga badan, taasoo ah in ciddii Alle xusta iyadana samada lagu xuso, ee -Mu'miniineey- igu gaar yeela inaad igu shukrisaan qawl iyo ficilba, hana inkirina nicmadayda aan idin siiyay.
..............................................................................
3.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اذْكُرُوا اللَّهَ ذِكْرًا كَثِيرًا
وَسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Kuwa Alle iyo rasuulkiisa rumeeyay sharcigiisana ku camalfalayow qalbiyadiinna, carrabbadiinna iyo addimadiinnaba in badan Alle ku xusa, waqtigiinnana ku bixiya xuska Alle sarreeyee subixii iyo galabkii, iyo salaadaha waajibka ah ka gadaal iyo weliba markay wax idin la soo gudboonaadaan sababana ay jiraan, waayo waa cibaado sharci ah, oo lagu gaarayo maxabbada Alle, carrabkana ka fogaynaysa dembiyada, khayr kastana ugu kaalamaynaysa.
..............................................................................
4.
وَاذْكُر رَّبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعًا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ وَلَا تَكُن مِّنَ الْغَافِلِينَ
Rasuulow Rabbigaa ugu xus naftaada adiga oo Alle u khushuucaya isuna dullaynaya, kana baqaya, qalbigaaguna cabsi la gariirayo, una bari si dhexdhexaad ah oo qaylo iyo siraysi u dhaxaysa maalinta gelinkeeda hore iyo keeda dambaba, hana ka mid noqon kuwa hilmaansan xuska Alle, kana mashquulaya waqtiyadooda oo idil.
..............................................................................
5.
... وَالذَّاكِرِينَ اللَّهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتِ أَعَدَّ اللَّهُ لَهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا
... iyo kuwa in badan Alle ku xusa qalbiyadooda iyo carrabyadooda, kuwaas oo idil oo isugu jira rag iyo dumarba wuxuu Alle u diyaariyay dembidhaaf iyo ajar wayn oo ah janno.
..............................................................................
Muxaadaro ku saabsan Dikriga:
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun
https://youtu.be/ojJ0CLlFbxI?feature=shared
اللهم صل وسلم على نبينا محمد
والحمد لله رب العالمين
Comments
Post a Comment