Xikmadaha Dadkii Wanaagsanaa

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته؛ Hordhac: Kuwani waa 20 ka mid ah Xikmadihii laga soo guuriyey dadkii wanaagsanaa ee inaga horeeyey. Haddii ay noqdaan Saxaabo, Taabiciin iyo kuwii ka dambeeyeyba. Xikmadahan waxa aan ka soo xigtay kitaab magiciisu yahay: (القطوف الزكية من أقوال السلف خير البرية ) waxaana qoray: (Maxamed Xasan Nuuru-Diin Ismaaciil). Waxa uu kitaabku koobsaday (1089) Xikmadood. Waxa aad kitaabka kala soo degi kartaa Linkiga aan halka hoose ku reebay. Akhris wacan. . . 1. قال محمد بن المبارك - رحمه الله -: رأيت سعيد بن عبد العزيز إذا فاتته الصلاة في الجماعة أخذ بلحيته وبكى. 1. Maxamed ibnul-Mubaarak wuxuu yiri: Waxaan arkay Saciid bin Cabdulcaziiz markuu ka maqnaado salaadda jamaacada inuu gadhkiisa qabsado oo ooyo. .............................................................................. 2. كان - إبراهيم بن ميمون المروزي - إذا رفع المطرقة فسمع النداء لم يردّها. 2. Wuxuu ahaa Ibraahim ibn Maymuun al-Marwazi markuu Madaraqa (dubbe) kor u q...